U bood dhigaalka

Cabdi Qeybdiid “Booliiska Gal-mudug Waxaan Leeyahay La Saaxiiba Shacabka Si Nabad Galyo Loo Helo” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

QeybdiidMadaxweynaha maamulka Gal-mudug State Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa fariin u diray ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, taa oo ku aadan in ay shacabka ku dhawaadaan si nabadda loo helo.

Waxa uu sheegay Qeybdiid in Booliiska ay noqdaan sidii hore ee ahayd in shacabka markii ay askariga arkaan ku farxaan, islamarkaana ay soo dhaweystaan, si loo helo nabad iyo kala dambeyn.

“Booliiska Gal-mudug waxaan leeyahay la saaxiiba shacabka si nabad galyo loo helo, waa inaad la shaqeysaan qeybaha kala duwan ee bulshada” ayuu yiri Qeybdiid.

Hadalkaan ayuu madaxweynaha Gal-mudug ka sheegay munaasabad balaaran oo shalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo, taasi oo loogu dabaal degaayay maalinta Aas aaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Halkaan Hoose ka dhageyso

 

Goobjoog News