U bood dhigaalka

Cabdi Xaaji Goobdoon Oo Saaka Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa waabarigii hore ee saaka oo Talaado ah magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa rug cadaa saxaafadeed.

Marxuumka xanuun uu horay u qabay lama sheegin, hase ahaatee waxaa kusoo baaday neef qabad oo sabab u noqday inuu geeriyoodo.

Goobdoon ayaa muddo badan kusoo dhex jiray saxaafadda, waxaana lagu xusuustaa waxyaabo badan oo muhiim ah.

Abukar Caaji Goobdoon oo la dhashay marxuumka ayaa u sheegay Goobjoog News in walaalkiis marnaba aanu aqbalin in dalka dibaddiisa uu ku noolaado, uuna ahaa nin wadani ah.

Goor dhaw waxaynu idiin soo gudbin donnaa Taariikhda Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon

Goobjoog News