U bood dhigaalka

Cabdi Xaashi Iyo Weriye Muna Cumar Oo Ka Mid Noqdey Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada aqalka sare ayaa maanta ka dhacdey magaalada Muqdishu, dadka la doortey waxaa ka mid ah Cabdi Xaashi  oo horey u ahaa Xildhibaan aqalka hoose ah iyo weriye Muna Cumar Xasan.

Doorashada gobollada waqooyi waxaa wax doortey 23 odey dhaqameed iyo 23 kale oo mid weliba uu odey keeno, si ay u doortaan xubnaha aqalka sare u matali lahaa Somaliland.

Hadaba, Xildhibaannada Guuleystay waa sidan:

Kursiga 1aad: Cabdi Xaashi Cabbdulahi 29 cod, waxaa uu ka guuleystay Maxamed Jirde Xuseen 14, 2 hallbey

Kursiga 2aad: Maxyudin Sheekh Cali Jaamac, waxaa u tanaasuley Cabdi Yusuf Xasan Maahir

Kursiga 3aad:  Mustaf Maxamed Qoodax waxaa u tanaasuley Maxamed Maxamud Cabdi

Kursiga 4aad: Muna Cumar Xasan oo heshay 32 cod ayaa ka guuleysatay Deeqo Maxamed  Salaax

Kursiga 5aad: Cabdikarim Maxamed Xasan 40 cod, Jamc Axmed Roble 3, Ibrahim Aden Maxaned  oo maqnaa 1

Kursiga 6aad: Cabdirisaq Axmed oo ku guuleystay waxaa uu helay 39 cod.

 

5 Kursi ayaa ka harey doorashada aqalka sare ee gobollada waqooyi, kuraasta hartey waxaa la sheegey in la dhameystiri doono marka la helo ergadii codeyn laheyd.

Goobjoog News