U bood dhigaalka

Cabdi Xaashi “Waxaan ka xumahay dowladda Farmaajo, shirarkii ay ku qabaneysay Dhuusamareeb iyo Muqdisho ma aheyn shirar Soomaali kawada dhaxeeya”

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, Gudoomiyaha Aqalka Sare BJFS Cabdi Xaashi Cabdillahi iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalada waqooyi.

Cabdi Xaashi Cabdillahi ayaa waxaa wehlinayay xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Mareeeye, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar iyo mas’uuliyiin kale .

Gudoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in shirarkii dhamaan ka dhacayay dalka ee arimaha doorashooyinka , ay san qeeyb ka aheyn siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi .

“Laga soo bilaabo sanadkii 2000 , markii Jabuuti la isugu tagay , oo dowladdii Carta ka soo bilaabantay halkaas, waxaa soo baxay nidaamka la yiraahdo 4.5 , oo ay Soomaali wax ku qeeybsan jirtay laga soo bilaabo waqtigaas, laga soo bilaabo xilligaas wixii shirar dhici jiray ee Soomaali heshiiskeeda lagu raadin jiray iyo xasiloonida dadka 4.5 bey kaga soo wada qeeyb gali jireen “.

“Waxaan ka xumahay dowladda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, shirarkii ay ku qabaneysay Dhuusamareeb iyo Muqdisho ma aheyn shirar Soomaali kawada dhaxeeya , Shirarkaas laba arimood unbaa ka muuqatay marka laga fiiryo dhinaca Beelaha waxaa ka qeeyb gali jiray oo ay gaar u aheyd Beelaha Hawiye , Daarood iyo Digil iyo Mirifle , maka qeeyb gali jirin oo looguma yeereynin Beesha Shanaad iyo Dir , kaasi waa wejiga uu lahaa Shirarkii uu Madaxweyne Farmaajo Qabanaayey”.

Cabdi Xaashi Cabdillahi ayaa sidoo kale sheegay in Xubnihii uu magacabay Rooble , kuwaas oo ku shiray magaalad Baydhabo ee sheegay in laga heshiiyay arinta Somaliland, aysan jirin cid ka heshiisay Arinta Somaliland , sidoo kale siyaasiyiinta Soomaaliland anay jirin cid ku mataleysay Shirkaas Baydhabo ka dhacay .