U bood dhigaalka

CabdiIsmaaciil Samatar “Doorashada Waxay Ku Dhacday Si Xalaal Ah”

Sheeko:Dalka

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuq maasuqa ee doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in si aan musuq ku jirin ay u dhacday doorashadii 8-dii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar, guddoomiyaha guddigan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si aad ah loo ilaaliyey intii ay socotey codeynta xildhibaannada baarlamaanka in ay dhacdo musuq ama wax lamid ah.

“Aniga oo ku hadlaya afka guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa doorashadii madaxweynaha ee 2017, waxaan dadka Soomaaliyeed u sheegayaa in aynu dadaalnay si ay doorashadaasi ugu dhacdo si hanaan leh, si ka madax bannaan musuq maasuq intii aynu goobtaasi joognay, waxaan u sheegeynaa shacabka in isbedal wanaagsan oo hanaan leh ay ugu dhacday doorashada, taariikhdana waa ay geli doontaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa dhanka kale u mahadceliyey guddoonka Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in dedaal badan ku bixiyeen in doorashada ay ku dhacdo sida ugu haboon.

8-dii bishan ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku guuleystay doorashadaasi Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Goobjoog News