U bood dhigaalka

Cabdikarim Guuleed:  Banaadir waa State ama Maamul Goboleed in La Dhiso U Baahan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug ayaa  xafladdii furitaanka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabaleeda dhexe ayaa sheegay in uu mar walbo maqlo iyagoo la leeyahay Hiiraan iyo Shabeelada dhexe waa maamulka ugu dambeeyay federaalka lakin arrintaas aanay sax aheyn.

Guuleed waxaa uu ku booriyay Madaxweynaha iyo dadkii halkaas joogay in la ogaado in dadka Banaadir ay xaq u leeyihiin maamul goboleed isagoo cod dheer ku yiri” Banaadir waa State in La Dhiso U Baahan”.

Mar uu ka hadlayey shirka Kismaayo waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la dhowro xaqa shacabka Soomaaliyeed oo la fogaado salbursiga.

Guuleed waxaa uu ku taliyay in la ilaaliyo Somaliland, dadka laga tirade badan yahay, Gabdhaha iyo arrimo kale.

Waxaa uu la yaabay dadka ku taamaya in 18-kii gobol wax lagu saleeyo, dalka nidaam federal ah ayaa ka hano-qaaday midkaas ayaa wax lagu qeybsanayaa ayuu hadalkiis kusoo gabagabeeyay.

Goobjoog News