U bood dhigaalka

Cabdikarim Guuleed Oo Sanad Kadib Miisaanka Saaran

Sheeko:Dalka

Maanta oo kale sanadkii hore ayaa la doortay Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed, sanad kadib shacabka Galmudug kuma faraxsana natiijada iyo waxa la qabtay, lacag la’aan ayaa maamulka ka jirta, dib u dhis fiican ma socdo, xarumihii  dowladda ma dhisna, Ahlu sunna wada hadal lalama gelin, Burcad Badeed, Alshabaab, dagaallo sokeeye  iyo Liyuu Booliis waa dhibaato kale……Aaway ballamihii  madaxweyne Guuleed?!

Xukuumado la dhiso waa arrin fiican, laakiin waxaa ka muhiimsan in xukuumadahaasi ay shaqeeyaan, shacabka u adeegaan, la xisaabtan iyo hufnaan ay jirto.

Nabadda:

Cadaado oo ah magaalada ay hadda ku shaqeyso dowladda Galmudug, waxaa jooga Ciidanka Galmudug iyo ciidamada AMISOM kuwaas oo halkaas gaaray 11 maalmood kadib doorashadii Guuleed, waxaa ay dadka gobolladaas sugayeen in maamulkan cusub ay uga gudbaan dhibaato halkaas ka jirtay in ka badan 25 sano.

Marka laga hadlayo nabadgelyada gobolka waxaa muhiim ah dhowr caqabadood:

Ahlu Sunna:  Maamulka Ahlu Sunna waxba kama bedelin mowqifkooda doorashada Guuleed, weli waxaa ay heystaan magaalooyin Istaraatiiji ah oo ay ku jirto caasimadda maamulka ee Dhuusamareeb, waxaa ay horay u sii wadatay maamulkeeda gobollada dhexe, doorashadii Guuleed kadib waxaa ay qabsadeen xitaa degmada Caabduwaaq iyo meelo kale.

Waxaa xusid mudan in August 27, 2015 la sheegay heshiis ay gaareen Maamulka Galmudug iyo Alhu sunna, Waxyaabaha ku xusnaa ayaa waxaa ka mid ah ka qeybgelinta Ahlu-sunna maamulka Galmudug, sida xildhibaanada, wasiirada, wasiiro ku xigeenada, agaasimayaasha iyo maamulada gobollada iyo degmooyinka.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo guddoomiyaha Saddexda Gole ee Ahlu-sunna Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa heshiiskaan saxiixay.

Al-shabaab:

Waxaa jirta in Alshabaab ay joogaan deegaanno ka tirsan gobollada hoos taga maamulka Guuleed, waxaa dhacay dagaallo labada dhinac ah oo meelo badan ka dhacay.

March 25, 2016: Maamulka Galmudug ayaa soo bandhigay maxaabiis ilaa 22 ah oo ay sheegeen in ay ku qabteen dagaal dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab, tilaabadan ayaa timid kadib dagaalo dhexmaray labada dhinac.

Puntland:

Maamulka Puntland oo daris la ah Galmudug, xiriirkooda bilihii hore aad ayuu u xumaa, November 28, 2015: dagaal weyn oo khasaare badan geystay ayaa labada dhinac ku dhexmaray Gaalkacyo

Dagaalladaas oo muddo socday waxaa la soo afjaray kadib dadaallo ay sameeyeen dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobleedyada dalka.

December 06, 2015, Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa shaaciyay inay si rasmi uga dhaqan-gashay degmada Gaalkacyo xabad-joojinta, ciidamadii is-hor-fadhiyayna la kala qaaday.

Burcad Badeedda:

Burcad Badeedda waa dhibaato kale oo Guuleed haysata, waxaa mudadaas sanadka ah soo maray Galmudug dhowr dhacdo oo aan ka xusi karno:

August 29, 2015: Markab laga leeyahay dalka Iran iyo 19 shaqaale oo saarnaa ayaa ka baxsaday gacanta kalluumeysato ku heysatay deegaanka Ceel Huur ee gobolka Mudug, kadib markii ay 5 bilood haysteen.

November 5, 2015: Ciidanka Maamulka Galmudug, ayaa waxay xoog ku soo furteen afar nin oo ajaaniib ah, oo gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeeda Somalida ee ka hawlgasha Gobolada Dhexe.

Hawlgalkan, ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, iyadoo afarta nin ee la soo furtay ay soo baxayaan warar sheegaaya inay u dhasheen dalka Iran.

February 17, 2016: Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa soo badbaadiyay Muwaadin Kenyaan ah  oo muddo Sanad iyo 8 Bil lagu heystay deegaanka Xinlibi ee Mudug. Ninkan ayaa lagu soo badbaadiyay Howlgalka ciidamada Galmudug  ay ka sameeyeen meel  160 KM Cadaado u jirta.

Ninkan ayaa ahaa Dhakhtar ka shaqeyn jiray Cadaado, waxaana afduubtay koox burcad badeed ah.

Liyuu Booliis:

Dhibaatada dadka gobolkaas ay ku hayaan Lyuu Booliiska Itoobiya waa mid aan la qiysaasi Karin, inkastoo la sheegay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen labada dhinac hadana dhibaatada iyo xasuuqa Itoobiyaanka ay kula kaceen Galmudug waa mid kale oo aan la iloobi Karin.

Guuleed waxyaabaha uu qabtay waxaa ka mid ah safarro uu ku tagay Adis Ababa iyo Jigjiga six al looga gaaro dhibaatada ay Booliiska Itoobiyaanka ku hayaan dhulka Soomaalida, waxaa xiligan muuqata deganaashiyo.

Dagaal Beeleed:

Waxaa Galmudug ka dhaco dagaallo sokeeye mar walbo, bishii June ee tagtay in ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay halka 50 kale ku dhaawacantay, dagaalkaas waa mid ka mid ah daggaalo soo noq-noqday, dagaallada waxaa ay u dhacaan sababo badan, Biyo, Baad, Xoolo, Dhul iyo arrimo kale ayaa ka mid ah sababaha.

Dib u dhiska Galmidug:

Mudane Cabdikarim Guuleed  waxaa uu bilaabay dhismaha waddooyin, garoomo iyo Dekadda, laakin shacab la hadlay Goobjoog FM waxaa ay sheegayaan in arrinkaas aanay waxba ka suuro gelin.

Maamulka Galmudug waxaa uu ku jiraa maamullada dhaqaale ahaan ugu liita maamul goboleedyada dalka ka jira, si arrinkaas looga gudbo, waa in Guuleed iyo maamulkiisa la yimaadaan istaraatiijiyad cad oo dadka ku farxi karaan.

Halkan ka akhriso aragtida shacabka Galmudug

Beesha Caalamka:

Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa si Wadajir ah u soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ee ka dhacday degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, iyagoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay u diray hamblayo.

Taageerada beesha caalamka iyo xitaa dadka Galmudug ayaa loo baahan yahay si deegaankaas loo hormariyo, waxaa muuqata in dadka aan ku dhaqneen ama aan deganeen Galmudug balse u dhashay aan laga gadin sidii ay Maalgeshi ugu sameysan lahaayeen gobolladaas.

Ugu Dambeyntii, sanadkii la soo dhaafay wax badan lagama qaban Galmudug, waxaa ay dadka sugayaan in uu madaxweyne Cabdikarim Guuleed fuliyo ballamihii uu qaaday.

Goobjoog News