Taliska Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Federaalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka wararka la xiriira in dadka Soomaaliyeed, caqabad xoogan ay kala kulaam helidda Baasboorka.
Taliyaha Waxdaas Cabdilaahi Gaafoow Maxamuud oo Goobjoog News wareysi siiyay ayaa sheegay in isaga uusan ka war hayn warka ku saabsan eedeymaha loo jeedinayo Taliska Waaxda isla markaana si laaluusha ah lagu helo Baasboorka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in aysan jirin shaqale ka tirsan Waaxda Socdaalka oo si laaluush ah ku bixiya helida Baasboorka, isla markaana mar kasta ay diyaar u yihiin in qof kasta oo Soomaalia ah si fudud uu ku helo Baasboorka.
Cabdilaahi Gaafoow Maxamuud ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in Taliskiis uu helay warqad ka timid Somaliland taa soo ku aadayd in Xafiis laga qaato baasboorka Soomaaliyeed laga furo Magaalada Hargaysa.
Warka ka soo baxay Taliska waaxda Socdaalka iyo Jinsiyada Dowlada Federaalka ee Xafiiska Hargaysa waxa ka hadlay Somaliland gaar ahaan wasiirka arimaha dibada oo sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah.
Goobjoog News