U bood dhigaalka

Cabdiqaadir Macallin Jameeka “Waan U Mahadcelinayaa Cid Kasta Oo Kaalin Ka Geystay Dhismaha Masjidka Xasan Balad Ee Xafaada Xamar Jadiid”

Sheeko:Cayaaraha

Masaajidka Xasan Balad ee ku yaala degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa lagu sameeyay dib u dhis balaaran,iyadoo mudo ka dib si rasmi loo furay naqshada cusub iyo dib u habeynta lagu sameeyay,waxaana dhismaha Masaajidka iska kaashaday qaar ka mid ah bahda ciyaaraha Soomaaliya iyo muwaadaniin Soomaaliyeed oo ku kala nool gudaha dalka iyo dibadiisa.

Waan U Mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka geystay dhismaha Masjidka Xasan Balad ee xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabada” ayuu saxaafadda u sheegay laacibkii hore kooxaha kubbadda cagta Faynuus iyo Midnimo mudane Cabdiqaadir Macallin Maxamed (Jameeka) .

Sidoo kale Culumaa’udiinkii ka hadlay munaasabda ayaa iyagan u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay dhisamaha Masaajidka Xasan Balad,waxayna soo jeediyeen in si wadajir loo ilaaliyo nadaafada,iyagoo intaa ku daray in Masaajidkan uu ka yimid yahay kuwad ugu taariikhda fog ee ku ylaa degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir.

Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay furitaanka Masjidka Xasan Balad ee Xaafada Xamar Jadiid,cidna ma filanaynin in uu sidan noqon doono,balse waxaa ku mahadsan Allaha iyo intii ka qeyb qaatay dhismahiisa,sidoo kale waxaan rabaa in aan halkan ugu mahadceliyay guddigii gacanta ku hayay mudadii uu socday dhismaha Masjidka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xasan Cabdi Goodax oo ah Guddoomiye Ku Xigeen Xiriirka kubadcagyraha ee (Somali Mini Football)

Daawo Warbixin Ku Saabsan Masjidka Xasan Balad 

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle