U bood dhigaalka

Cabdiqaadir Qooje “Waxaan Diyaar U Ahay Caawinta Dhamaan Xiriirada”

Sheeko:Cayaaraha

Wakiilka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xafiiska Raysal Wasaraha Soomaliya mudane Cabdiqaadir Macallin Qooje sidoo kalane ah Guddoomiyaha isboortiga iyo dhaqanka Wadanka Finland ee SOCUS ayaa bogaadiyay da’dalaada ay wadaan madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcagyaraha iyo dhamaan Xiriirada ka dhisan dalka.


“Waxaan dhiirigelinaynaa shaqooyinka culus ay hayaan madaxda SOMFA , waxaan ka mahadcelinaynaa sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen Xiriirka Kubadcagyaraha dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Mudane Cabdiqaadir Macallin Qooje oo ah Wakiilka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble.


Ururka uu hogaamiyo Gudoomiye Cabdiqaadir Macallin Qooje ee SOCUS ee ka dhisan dalka Finland wuxuu sanadihii lasoo dhaafay kaalin wanaagsan ka qaatay dhiirigelinta Xiriirada kala duwan ee dalka, iyagoo qalab isboortis u keenay dhamaan kooxaha kala duwan ee Soomaaliya, waxayna Ururka SOCUS uu balanqaaday horomarinta isboortiga Soomaaliya.
“Laga bilaawo maanta waxaan diyaar u nahay in aan la shaqayno garab istaagno Xiriirka Kubbadcagyaraha Soomaaliya oo waxqabad wanaagsan soo bandhigay bilooyinkii kasoo dhaafay, waxaan sidoo kale diyaar u nahay caawinta dhamaan xiriirada kala duwan ee ka dhisan  Wadanka ” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Mudane Cabdiqaadir Macallin Qooje oo ah wakiilka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xafiiska Raysal Wasaraha Soomaaliya.


Daawo Guddoomiye Qooje Oo Ka Halday Arrimo Badan

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Qooje

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/cabdifataax-qaaje-waxaan-finland-ugu-soo-safarnay-guusha-iyo-horomarka-galmudug/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle