Cabdiqani  Carab Oo Mar Kale Loo Doortay Hoggaaminta Xiriirka Kubadda Cagta

Cabdiqani Saciid Carab oo ahaa guddoomiyihii xiriirka kubbadda dalka Soomaaliyeed ayaa iminka mar kale loo doortay in uu sii ahaado afarta sano soo socota ka dib markii uu helay 33 cod oo gacantaanka ah.

Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo isna ahaa gudoomiye ku xigeynka 2-aad ayaa loo doortay afarta sano soo socota in noqod guddoomiye ku xigeynka labaad,isagoo helay 33-cod gacan taag ah.

Cabdullahi Sheikh oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeynka 1-aad ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeynka labaad ka dib markii uu ahaa helay 33 cod.

Waxaa hoolka doorashada ku sugan ergo ka socota maamul Goboleedyada  Hirshabeele, Jubaland, Galmudug, Puntland, Gobolka Banaadir, madaxa ka socota FIFa, CAF iyo maamulada kooxaha kubbadda cagta dalka

La soco, Warbixin Dhameystiran

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW