U bood dhigaalka

Cabdirashiid Janan “Markaan Waxaa Galeeyna Xarbi (Dagaal), Sharci Ah Oo Xaq Ah Oo Cirdigeena iyo Sharaftanada Aan Ku Difaaceyno”

Sheeko:Amniga

Wasiirka Amniga dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay faahfaahin ka bixiyay dagaal maalmo ka hor ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ku dhex maray magaalada beledxaawo ee xarunta gobalka Gedo .

Janan ayaa sheegay in ay ka jawabayaan dulaankii ciidamada dowladda ay ku soo qaadeen waxauuna ugu baaqay shacabka gedo in ay ka barakacan oo ay naftooda badbaadsadaan .

“Dagaalo nagu socday Habeeno io maalmo ee aanu u dulqaadaneynay,laakiin haddan Waana Falcelineynaa waana dagaalameeyna ”.
“Waxaan rabaa in aan u digo shacabkayaga soomaaliyeed gaar ahaan reer Jubbaland ku nool gobalka Gedo gaar ahaan Beledxaawo , wixii aan xeerineynay oo ee aheyd in aanu guranaga guban shacabkanaga in uusan barakicin eheed in aysan khasaaro dhicin ee xeerin waayeen Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Tiimkiisa , anaguna hadda meeshey ayaga taagnaayeen baan istaagnay , waxaan rabnaa marka naftooda iyo maalkooda in ay badbaadsadaan, oo qof walba meeshu naftiisa iyo maalkisa uu ku badbaadsan karo uu ka shaqeeyo”.
“Markaan waxaa galeeyna Xarbi (Dagaal), sharci ah oo xaq ah oo cirdigeena iyo sharaftanada ku difaaceyno, mana u dulqaadan doonno caqliga iyo aragtida guracan ee foosha xun ee shaatiga dowladnimada loogaliyay.”

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dagaalkii bilawgii todobaadkaan ka dhacay magaalada Beledxaawo ay kaga soo qabteen 100 maxbuus oo dagaalka qeeyb ka ahaa .