U bood dhigaalka

Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo “Xulka Qaranka Soomaaliya Waan In Uu Helaa Kulamo Saaxiibtinimo”

Sheeko:Cayaaraha

Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo oo ka mid ah falanqeeyaasha Ciyaaraha Gudaha iyo Dibadda ayaa soo dhaweeyay warqadii ay dhawaan soo saareen xidigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee ku saabsaneed in is badal lagu samaayo horomarka kubbada cagta iyo guulaha Xulka Qaranka Soomaaliya.

“Dhaliisha loo jeedinayo hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaali waa in ay is badal ku sameeyaan hadalada ka soo yeeray xidigaha Xulka Qaranka Kubbadda cagta” ayuu u sheegay Goobjoog Sports Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo oo ah falanqeeye ciayaraha gudaha iyo dibadda.

Dhinaca kale falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo wuxuu bogaadiyay ciyaartooyda Xulka Qaranka  ee ku nool qurbaha kuwaas oo ka hadlay xaqiiqda jirta,balse ay muhiim tahay in xooga la saaro sidii loo xalinlahaa dhibaaootinka iyo falcelinta ka imaanaysa taageerayaasha Xiulka Qaranka  Soomaaliya.

“Guddoomiyaasha kooxaha iyo ciyaartooyda gudaha waxaan ka rabnaa in ay ka hadlaan dhibaaooyinka jira, taasina waxay sahlaysaa in madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta ay fahmaan halka ay wax u socdaan, sidoo kale Xiriirka waan in dhagaystaa cabashada ay qabaan taageerayaasha kubadda cagta” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo.

Daawo Waraysi Uu Kismaayo Siiyay Goobjoog Sports

Sidoo Kale Aqriso Warar Dheeri Ah

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/cabdulaahi-faarax-daguur-ciyaartooyda-xulka-qaranka-soomaaliya-waxay-u-baahanyihiin-tababaro-joogta-ah/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle