U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan C.Warsame oo ku baaqay in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo deegaannada Al-shabaab laga saaray

Sheeko:Amniga

Ergayga arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xil.Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka ku sugan deegaannada ururka alshabaab laga saaray.

Warsame, ayaa sheegay in loo baahna yahay in gurmad lala gaaro dadka ku sugan deegaannada alshabaab lagala wareegay, maadama ay hadda suuragal tahay in la gaaro.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in la rabo in deegaannadaas sidoo kale la gaarsiiyo mashaariic horumarineed si wax looga baddalo nolosha dadkaas.