U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur : Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen ciidama ka amar qaata Farmaajo.

 

Qoraal uu soo dhigay Facebook-ga ayuu ku sheegay in mas’uuliyadda dhibka dhasha uu qaadan doonno madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo.”