U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Farmaajo Sharci Uma Haysta In Shir IskuguYeero Maamul Goboleedyada”

Sheeko:Amniga

Golaha Midawga Musharixiinta oo kulan deg deg ah maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa war ka soo saaray shirka uu madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada dalka.

Midawga musharixiinta ayaa sheegay in shirka Farmaajo uu ku baaqay uu carqaladeynayo shir khamiista Midawga Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ay ku balan sanayeen .

Golaha ayaa sidoo kale waxa ay sheegen Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo in uusan Xaq u laheyn in uu isugu yeero Madaxda dowlad gobaleedyada dalka.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Warsaxaafadeedka Midawga warbaahinta u Akhriyay ayaa yiri  “Farmaajo Sharci Uma Haysta In Shir IskuguYeero Maamul Goboleedyada”.

Musharixiinta ayaa sidoo kale waxa ay shacabka uu baaqeen in ay ka soo qeyb galaan banaanbaxa Sabtida kaas oo ay dowladda Ammaankiisu sugeyso