U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Xafiiska Rooble Ayaa Noo Balan Ah

Sheeko:Amniga

Hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa talaabo qar iska tuurnimo ah ku tilmaamay go’aanka xalay xilli dambe ka soo baxay xafiiska madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Warsame ayaa sheegay in Farmaajo intii uu joogay uu horseeday weeraro badan oo qaar ka mid ah lagu dilay mas’uuliyiin xilal ka heysay dowladda federaalka, sidoo kalena dalka iyo dadkaba uusan u durin.

“Farmaajo dawladnimo uma turin, dastuurna ma dhowrin, guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan dadka degaankana waxba uma hanbayn, xad-gudubyadiisu way is daba yaalleen, laga soo billaabo weerarkii 17 Dec, ee xarunta Xisbiga Wadajir, shirqoolkii lagu dilay AUN Eng Yarisow, weerarkii uu 19 February ku qaaday Madaxweynayaashii hore, rasaastii isla maalinkaa la dhacay madaxdii iyo shacabkii mudaaharaadayey, khaarijintii Ikraan Tahliil, iyo maanta uu Raysalwasaarihii madaxiisa haysto,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale sheegay in Farmaajo uusan aheyn nin garasho leh, waxa uuna shacabka iyo siyaasiyiintaba ugu baaqay in leyska qabto.
“Farmaajo nin garasho leh maaha, nin gar qaata maaha, nin sharci, dastuur iyo akhlaaq leh maaha, nacas iyo nin liita [daba dhilif] keli ah ayuu rabaa. Waa in aan iska qabanaa, Shacab, siyaasi, oday, aqoon yahan, haween, dhallinyaro iyo ciidan waa in marka hore dhaba dhilifka iyo calooshiis u shaqaystaha ka soo horreeya iska qabannaa, ka dibna iska bixinnaa. Dhamaanteen Xafiiska Rooble ayaa noo balan ah,” ayuu yiri Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuu Warsame.
Hadalka Mas’uulkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay saaka oo isniin ah ay sii cakir meyso xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Goobjoog News