U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Xukunka Gurbiye Waxa Uu Qeyb Ka Yahay Xadgudubyada Lagu La Ka Cayo Saxaafadda ”

Sheeko:Amniga

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo bartiisa facebook-ga soo dhigay qoraal uu kaga hadlayay xad-gudubka Villa Somaliya ay kula kacday Cabdicasiis Gurbiye ayaa sheegay in xukunkaas uu qayb ka yahay caburinta saxaafadda Soomaaliyeed

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan  Cabdishakuur Warsame in xukunkaas uu yahay mid hareermarsan yahay Sharciga isla markaana uu yahay xad- gudub loo gaysanayo warbaahinta Soomaaliyeed.

“ Waxaan canbaaraynayaa xarigga loo gaystay wariye Gurbiye iyo Xukunka ka dhanka ah ee lagu dhawaaqay. Labaduba waxa ay qayb ka yihiin xadgudubyada lagu la ka cayo saxaafadda guud ahaan gaar ahaan wariye Gurbiye, waana mid hareer marsan sharciga. Gurbiye waa saxaafi, waxay ahayd in lagu dhaqo xeerka saxaafadda oo ah xeer gaar ah, falka lagu eedeeyayna uu yahay mid la xariira gudashada shaqadiisa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggamiyaha Xisbiga Wadajir.

“ Eedeeymaha loo soo jeediyay wariye Gurbiye, waxa ay ahaayeen kuwa isbedbedala, oo la jaanqaada hadba sida ay rabto Madaxtooyada. Ugu horreyn waxaa lagu eedeeyay in uu u gafay sharafta iyo karaamada Madaxweynaha, markii ay culays dareentay Madaxtooyadu waxay eeda u rogtay faafinta warar Been-abuur ah oo qalqal galinaya amniga guud’”ayuu sii  raaciyay qoraalkiisa Hoggaamiyaha Wadajir.

Intaas waxa uu hadalkiisa ku daray Cabdiraxmaan  Cabdishakuur in Habka loola dhaqmay wariye Gurbiye iyo guud ahaan bahda saxaafadda, ay tahay hab baal marsan Dastuurka qodobkiisa 18-aad iyo shuruucda JFS, waana arrin tusaale cad u ah ayuu yiri  in Madaxtooyadu ay u aragto saxaafadda faldanbiyeed haddii aanay ka shaqaynayn danaheeda.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kiiska Gurbiye Iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Goobjoog News