U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Jaamac Barre

Sheeko:War

Waxaa magaalada San Diego, California ee dalka Maraykanka  ku geeriyoodey wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre.

Hadaba, Cabdi Caziz Gurbiye ayaa qoyskiisa kala sheekeystay taariikhdiisa, Akhriso Taariikhda oo Kooban.

Taariikh Nololeedka: Cabdiraxmaan Jaamac Barre:

Cabdiraxmaan Jaamac Barre, waxaa uu ku dhashay Luuq sanadkii 1937.

Waxbarasho:

Waxaa uu dugsi hoose ku qaatay: Macalin Jaamac

Dugsi dhexe waxaa uu ka dhigtay: Majestrale

1962: Talyaaniga ayuu ka soo dhigtay Cilmiga Siyaasadda ee Jaamacadda Padova

Shaqo:

Intaasi kadib, markii uu dalka ku soo noqdey, waxaa uu ku biiray wasaaradda arimaha dibadda isagoo qabsaday qeybta dhaqaalaha

1972: Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda

July 1976-1987: Wasiirka arrimaha dibadda

1987-1989:  Wasiirka Maaliyadda.

1989: Wasiirka Arimaha Dibadda

1990: Wasiirka Maaliyadda.

1991: Burburkii kadib, waxaa uu ku noolaa dalka Mareykanka

2004: Shirkii Kenya, waxaa uu u tartamay jagada madaxtinnimada Soomaaliya, wareegga 1aad ayuu ku haray isaga oo helay 18(6.59%).

Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxaa uu guursaday xaasas badan, waxaa uu dhalay 15, waxaa uu xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.