U bood dhigaalka

Cabdiraxman Cabdishakuur: Inqilaabka Farmaajo Waa Nabar La Filaayey Naxdin Ma Laha

Sheeko:Amniga
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in talaabada uu qaaday madaxweynahaa waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in ay tahay mid horay loo filayay.
“Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha, waxaanse u baahannahay in aan isla garanno shantaan qodob” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Warsame ayaa sheegay in Farmaajo uu 10 bil xafiiska joogo isaga oo waqtigiisa dhamaaday waxa uuna yiri ” In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in shirka golaha wadatashiga qaranka uu yahay mid horay u dhici jiray Farmaajana shaqo ku laheyn.
” Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur..
Warka ka soo baxay Farmaajo ayaa sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmamay in uu yahay mid uusan shaqo ku laheyn howlaha doorashadana looga fadhiyo Ra’iisul wasaaraha dalka.
” Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Warsame ayaa sheegay in awoodda qabashada doorashada ay u taallo kaliya ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Rooble.
” Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodad xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay shacabka in la garab istaago ra’iisul wasaare Rooble.
” Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa in ay RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado,” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Hadalka  Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku soo aaday xilli siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay sheegeen in dalka uu galay xaalad cusub oo hubanti la’aan ah.
Goobjoog News