U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas Oo Ku Wajahan Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa in sacaadaha soo aadan uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Gaas ayaa xalay ku hoyday deegaanka Xarfo ee gobalka Mudug, halkaasi oo kulamo uu kula yeeshay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan bulshada ee deegaankaasi.

Axmed Muuse Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka gobalka Mudug ee Puntland ayaa u sheegay Goobjoog News, in madaxweynaha Puntland maanta abaare Duhurada uu soo gaari doono magaalada Gaalkacyo, islamarkaana loo diyaar garoobayo soo dhaweyntiisa.

Ammaanka guud ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana guud ahaan halkaasi lagu arkayaa ciidamo badan oo amniga xaqiijinaya.

Waa safarkii Labaad oo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu ku tagayo magaalada Gaalkacyo, tan iyo markii xilkaasi loo doortay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News