U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas Oo Kismaayo u Tagay Ka Qeybgalka Caleema Saarka Axmed Madoobe (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, waxaa maanta gaaray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa madaxweynaha Puntland iyo xubnaha la socday kusoo dhaweeyay dhigiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, wasiirro iyo xildhibaanno Jubbaland.

Sidoo kale shacab badan ayaa garoonka uga hortagay Wafdigaan, kuwaasi oo caleemo qoyan ruxayay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas ayaa saxaafadda kula hadlay madaxtooyada Kismaayo, waxaana laga warbixiyay uljeedka safarka Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Kismaayo uu yimid ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha Jubbaland.

“Aad baan ugu faraxsanahay magaalada Kismaayo oo ah xarunta Jubbaland, waxaan u nimid ka qeybgalka xafladda Caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, anaga oo salaan iyo farxad ka wadna shacbiga iyo xubnaha kale ee Puntland, waxaan u nimid inaan farxadda la qeybsanno walaalaheena Jubbaland” ayuu yiri Gaas.

Axmed Madoobe ayaa isna soo dhaweeyay Cabdiweli Gaas, isaga oo sheegay in farxad ay u tahay ka Jubbaland ahaan safarka uu Kismaayo ku yimid.

“Madaxweynaha Puntland, golahiisa wasiirada, Isimida iyo dhammana wafdi reer Puntland ee yimid magaalada Kismaayo si ay uga qeybgalaan caleema saarka aad baan usoo dhaweynayaa, aad baan ugu faraxsannahay inay noqdaan wafdigii ugu horeeyay ee yimaaday, waxa ay taasi muujineysaa kalgacaylka iyo farxadda aad u haysaan Jubbaland, waxaan rajeynayaa in aynu waxbadan ka wada hadli donno” ayuu yiri Axmed Madoobe.

12-ka bishaan oo ku beegan maalinta Berri oo Sabti ah ayaa la filayaa in la caleema saaro madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo sawiradda

G15 G14 G13 G12 G11 G10 G9 G8 G7 G6 G5 G4 G3 G2 G1

Goobjoog News