U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas “Shacabka Ha Baneeyaan Dhismayaasha Danta Guud”

Sheeko:Dalka

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu amray dhammaan shacabka deggan guryaha dowladdii dhexe ee Soomaaliya ku lahayd guud ahaan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxaa lagu amray guud ahaan dadka shacabka ah ee deggan dhismayaashaasi in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga guuraan.

Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa Goobjoog News u sheegay in amarkaan uu ku wada socdo cid walba oo guryaha dowladda deggan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Guryo kaliya aanay ahayn waxa dadka laga saarayo, sidoo kalena la doonayo gaadiidkii dowladdii dhexe ay lahayd.

“Dowladdii dhexe ee dalka hantideedii ayaa loo baahan yahay in dib loo soo celiyo, shacabka digniin ayeey qabaan, waxaana loogu adeegi doonaa dadka shacab ah” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Wasiir Xirsi ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar maalmahaan dambe la’isla dhexmarayay, kaasi oo ahaa in ay doonayaan inay ka iibiyaan dad ganacsato ah.

Goobjoog News