U bood dhigaalka

Cabdulaahi Faarax Daguur ” Ciyaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya Waxay U Baahanyihiin Tababaro Joogta ah”

Sheeko:Cayaaraha

Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur oo ka mid ah gorfeeyaasha isboortiga dalka ayaa sheegay in muhiim tahay in ciyaartooyda Xulka Qaranka Kubabdda Cagta Soomaaliya ay helaan tababaro joogta iyo ciyaaro saaxiibtinimo, hadii la rabo in ay guul gaaraan xidigaha Xulka Qaranka Soomaaliya,wuxuuna soo jeediyay in hogaanka Xiriirka ay qaataan aragtida ka imaanaysa bahda kubbadda cagta dalka.

“Ciyaartii u danbeesay uu Xulka Qaranka la dheelay dhigiisa Cumaan waxay ciyaartooyda soo bandhigeen tayo wanaagsan,balse sida ay sheegeen waxaa jirta diyaar garow la’aan waa muhiim in Qaranka uu helo ciyaaro saaxiibtinimo oo badan iyo diyaar garow joogta ah” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur.

Daawo Waraysi Uu Cabdullahi Daguur Siiyay Goobjoog Sports

Sidoo Kale Aqriso Warar Kale Oo Dheeraad Ah

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/cabdullahi-faarax-daguur-macallin-cismaan-iskoot-waa-hanti-qaran/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle