Cabdullaahi Goodax "Illaa 10 kun oo qaxooti Soomaaliyeed Ah Ayaa Dalka Dib Ugu Soo Laabanaya"
Mas’uuliyiintii ka hadlay waxaa ka mid ahaa sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre oo hey’adani ay wasaaradani hoos imaaneyso, wuxuuna sheegey in illaa 10 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo xerooyinka Kenya ku jira ay go’aansadeen in ay dalka dib ugu soo laabtaan.
Wuxuu sheegey in lacag dhan illaa 5 malyuun oo lacagta Yuuro (Euro) loo balanqaaday in dowladda Soomaaliya lagu siinayo si ay dib u dajin ugu sameyso qaxootiga soo laabanaya, wuxuu intaasi ku daray in deegaanada ay imanayaan ay ka midyihiin kuwa Jubbooyinka, Gedo iyo Bay.
Wasiirada Arrimaha dibada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Hawlaha Guud Nadiifo Maxamed Cusmaan oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa sheegey in dadka Soomaaliyeed waxa kaliya ee ay u baahnaayeen ay ahayd nabad, haddii ay taasi helaane ay wax kasta oo kale hagaagayaan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii horintii ugu horeysey oo dad qaxooti ah, kuwaasi oo kasoo laabtey xerooyinka qaxootiga Kenya ay soo gaareen magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.
Goobjoog News