U bood dhigaalka

Cabdullahi Black Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka Koonfur galbeed lagu soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#193 oo saaka doorashadiisa loo dareeray.

Kursigaan ayaa waxaa  baarlamaanki 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamuud Maxamed Bono oo ku matalayay dowlad gobaleedka koonfur galbeed.

Waxaa hadda u tartamayay musharixiinta kala ah,  Cabdulqaadir Maxamed Cilmi iyo Cabdullaahi Aadan Axmed.

Cabdullaahi Aadan Axmed ayaa ku guuleystay kursiga kadib markii uu tartanka kaga adkaaday musharax Cabdulqaadir Maxamed Cilmi .

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#193 oo uu ku guuleystay Cabdullaahi Aadan Axmed .

Goobjoog News