U bood dhigaalka

Cabdullahi Faarax Daguur “ Tababare Cabdi Joon Wuxuu U Qalmaa Hogaaminta Xulka Qaranka Soomaaliya”

Sheeko:Cayaaraha

Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur oo ka faalooda Ciyaaraha gudaha iyo dibadda ayaa waraysi uu siiyay Goobjoog Sports wuxuu kaga hadlay arimo badan,Ugu horeyn falanqeeye Cabdullahi Faarax wuxuu ka hadlay tababare Cabdi Joon oo ka tagay kooxda Raadsan oo hogaaminayay shantii bil ee la soo dhaafay.


“Tababare Cabdi Joon waa mid ka mid ah macallimiinta ugu wanaagsan kubbadda cagta wuxuu soo maamulayay kooxo badan, balse dhamaan naadiyadii uu soo hogaamiyay wuxuu gaarsiiyay guulo waaweyn, isagoo soo saaray ciyaartooy tay wanaagsan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur.


Dhinaca kale gorfeeyay Cabdullahi Faarax wuxuu hambalyo Guddoomiyaha cusub ee mar labaad loo doortay hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta Gobolka Gedo mudane Maxamed Cabdi Nuur ,isagoo kula dardaarmay in uu horomariyo dhalinyarada iyo isboortiga Gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland.


“Mudane Guddoomiye Maxamed Cabdi Nuur waxaan kugu hambalyaynaa guusha aad mar labaad ka gaartay hogaaminta Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo, runtii waa shaqo adag waxaan kaa sugaynaa in aad Gobolka gaarsiiso horomar adiga oo kaashanaya bulshada iyo Maamulka Jubaland” ayuu hadalkiisa soo raaciyay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur oo si weyn u gorfeeya Ciyaaraha dalka.


Dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa tababar ka bilaaway Xulka Da’yarta Kubbadda Cagta Soomaaliya kuwaas oo ka aeyb galaya tartanka Da’yarta Carabta ee ka dhacaya Wadanka Marrocco, waxaana kasoo muuuqday ciyaaryahan Maxamuud Sarqaawi iyo laacibiin kale oo ka soo baxay tartankii Maamul Goboleedyada 2020.

“Ciyaarahan Maxamuud Maxamed Sarqaawi iyo xidigaha kale ee nasiibka u helay Xulka Da’yarta waxaan ka sugaynaa in ay la yimaadaan bandhig sare, isagoo dhalinyarada ku dardaarmay in ay ilaaliyaan aqlaaada” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur.

Daawo Falanqeyee Daguur Oo Ka Hadlay Arrimo Badan

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Daguur

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/cabdulaahi-faarax-daguur-ciyaartooyda-xulka-qaranka-soomaaliya-waxay-u-baahanyihiin-tababaro-joogta-ah/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle