U bood dhigaalka

Geesey “Waan Ku Faraxsanahay Abaal Marinta Aan Helay”

Sheeko:Cayaaraha

Gool Haye Cabdullahi Cali Shiine (Geesey) oo ka tirsan kooxda kubbadda cagta Puntland ayaa laga gudoonsiiyay abaal marinta  laacibkii ugu wanaagsanaa guud ahaan deeganada Puntland sanadkii la soo dhaafay,waxaana abaal marintan ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ciyaaaraha iyo dhalinyarada Puntland mudane Axmed Cabdalle Tigaana.

“Ciyaaryahan Geesey wuu u qalmaa abaal marintaas iyo ka badan,wuxuuna ka mid yahay xidigaha ugu wax qabadka iyo da’daalka wanaagsan guud ahaan Puntland,Wasaarada Ciyaaraha way u hambalyeynaysaa laacibka Geesey” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland mudane Axmed Cabdalle Tigaana.

Gool Haye Cabdullahi Geesey wuxuu sanadkii la soo dhaafay 2020 kaalin wanaagsan ka qaatay kooxda kubbadda cagta Puntland ee ka qeyb gashay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Waan ku faraxsanahay in aan noqdo ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa guud ahaan Puntland,sanadkii la soo dhaafay, ku guulaysiga abaal marintan waxa ay igu dhiirigelinaysaan in aan sameeyo da’daal badan” ayuu Goobjoog Sports ugu waramaya Gool Haye Cabdullahi Cali Shiine (Geesey)

Si kastaba bahda ciyaaraha Puntland ayaa u hambaleeyay laacib Geesey,iyagoo u rajeeyay guul iyo horomar,waxayna dhinaca kale sheegeen in arinta ay kor u qaadayso tartanka xidigaha kala duwan ee ka dheela guud ahaan Gobolada Puntland.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle