U bood dhigaalka

Cabdulqaadir Mursal: Macalinkii Saxaafadda oo Saaxada Banneeyey, Geeri Naxdin Leh

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow la shaaciyey geerida macalinta iyo rugcadaaga saxaafadda Soomaaliyeed Cabdulaqaadir Maxamed Mursal.

Cabdiqaadir Mursal oo muddo dheer ka mid ahaa warbaahintii dowladda burburka ka hor, waxaa uu ahaa tifaftiraha radio Mogadisho, sidoo kale Carte kadib waxaa uu aasaasay wargeyska Dalka isaga oo qeyb ka qaaday iney dib usoo noqoto warbaahinta qaranka  jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya.

Dagaaladii sokeeyey kadib waxaa uu u wareegay dalka Kenya isaga halkaasi kasii waday shaqada saxafinimada, waxaa uu tifaftire ka noqday  Radio IRRIN balse haatan loo yaqaan Radio Ergo.

Muddooyinka dambe waxaa uu ku noolaa dalka Mareykanka, halkaasi oo la sheegay inuu ku xanuunsaday, maantana ku geeriyoodey.

Ilaahey ha u naxariistee Cabdulaqaadir Maxamed Mursal waxaa lagu xusuustaa qorista buugaagta, faalooyinka, sheekooyinka, sameynta barnaamijyada iyo aasaaska iyo maamulka warbaahinta.

Intii uu saxaafadda ku jiray waxaa uu soo saaray ardey badan oo maanta saxaafadda caan ka ah, laguna qadiriyo.

Bahda Goobjoog News, waxaa ay tacsi u direysaa bahda saxaafadda, umadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay macalinta saxaafadda Cabdulaqaadir Maxamed Mursal.

Goobjoog News