U bood dhigaalka

Cabdulqaadir Siidii oo ka badbaaday qarax ismiidaamin ah

Sheeko:Dalka

 

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdulqaadir Nuur Maxamed (Siidii) ayaa ka badbaaday qarax is miidaamin ahaa oo lala eegtay kolonyo baabuur AMISOM ah oo uu guddoomiyuhu la socday oo marayay deegaanka calamada ee duleedka ceelashaha biyaha.

Qaraxan ayaa haleelay gaadiid rakaab-siday oo kusoo jeeday magaalada muqdisho, qaraxan ayaa waxaa ku dhintay  12 kuwaas oo la socday baabuur caasi (mini Bus) ah.

Sidii oo la hadlay idaacada VOA-da laanta afka soomaaliga ayaa sheegay in qaraxaan asaga lagu qaarajin rabay laakiin uu ka badbaaday. Intaa waxa uu ka daray iney ku dhaawacmeen qaraxa labo sarkaal oo ka socday hey’adda dhanka tababarada u qaabilsan AMISOM iyo labo askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

“ gaari AMISOM buu ku dhacay gaarigayga way la gafeen kolley kayga inay rabeen baan anigu u qaatay gaariga AMISOM taayiradi iyo fariinkii baa go’ay kadibna dhaawac ayaa laba askari ka gaartay” ayuu yiri Siidii

Waxaa kaloo uu sheegay in gaariga qarxay ay wehliyeen laba gaari oo kale laakiin markii ilaaladiisa ay garteen kadib ay dib u laabteen

“gaari Kaarib ah ayaa nasoo cayrsaday ilaaladayda ayaa qoryo ku qabtay  istaag baa la yiri waa kala fireeyay gaari NOAH ah ayaa la socday oo asna laabtay mid sadexaad aya Soo gudbay  calamada ayayna nagu sugtay” ayuu raaciyay Siidii

Qaraxaan ayaa imaanaya ayadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka SHabeellaha hoose ay kala wareegeen xarakada Alshabaab.