Guryaha Mudada Fog Dhisan Ee Degmada X/weyne Oo Laga Baqayo Inay Dumaan

Degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho waxaa ku yaaala Guryo qadiimi  ah (Waqti hore Ah) oo dhisan sanado badan kuwaas oo mararka qaar dadka ku nool ay kasoo wajahaan qataro naftooda ah.

Degmooyinka ay ku yaallaan guryahan qadiimiga ah ee la dhisay waqtiga fog waxaa ka mid ah degmada Xamarweyne oo ay ka dhisan yihiin daaro aad u duqoobay oo xilliyo fog la dhisay.

Waxaa degmadaasi ku yaalla guryo dhisan in ka badan Boqol Sano, kuwaasi oo hadda u muuqda kuwo duugoobay.

Dad badan ayaa dhaawacyo kasoo gaareen guryo ay sanado badan daganaayeen oo ku yaalla degmada Xamarweyne ka dib markii ay kusoo dumeen.

C/qaadir Maxamed C/qaadir waa gudoomiyaha degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho,  Goobjoog ayuu uga waramayaa sanadkan 2015-ka inta  daar ee duntay iyo dadka wax ku noqday.

“Degmadan sidaad ogtahay waxaa ku yaalla guryo qadiimi ah oo xiliyo fog la dhisay, kuwo waxaa jira boqolaal sano dhisan, saameyn waa jirtaa ilaa 7-guri ayaa duntay oo iyaga oo bur bursan la deganaa, dad ayeey dhaawacyo kasoo gaareen, ilaa 25- guri hada waxay ku jiraan halis ah inay dumaan”  ayuu yiri gudoomiye C/qaaidr.

Xasan Maxamed 20- sano ayuu degan yahay degmada X/weyne waxaan wax ka weydiiyey sababaha inta badan guryaha qadiimiga ah ee ku yaalla degmadaasi dadka ku nool aysan u dhisin  ee ay isaga dhex jiraan.

“Anigu 20-sano ayaan deganahay degmadaan runtii guryahan waa qadiimi oo sanado fog baa la dhisay, waxay u baahan yihiin dayactir dad badan ayaa looga digay inay ka baxaan gurayaha ay ku jiraan oo qadiimiga ah, marka sababta dadku aysan u dhisin waxay tahay badi waa guryo dhaxal ah iyo kuwo dadkii lahaa ay maqan yihiin” Xasan ayaa sidaa yiri.

Maxamed Bin Cali Uunsane waa 75 sano jir ku dhashay degmada Xamarweyne, illaa iyo hadana ku nool degmadaasi, waxaan kala sheekaystay Xamarweyne iyo daaraheeda qadiimiga ah taariiqiyan iyo inta badan dadka ku nool.

“Degmadaan waan ku dhashay waan ku bar baaray ilaa hadana oo aan jiro 75-sano waan joogaa weli gurigeenna ayaa ku yaallo oo awoowahayga uu dhisay, guryahaan waxaa ku jira qaar hal qarni iyo ka badan dhisan walina dadkii lahaa ay deggan yihiin, dhibaatada hadda soo if baxday ee ah inay dumaanna waxaa keenaya dadku mahaystaan waxay guryaha ku dhistaan” ayuu yiri Uunsane.

Marka laga soo tago  qoysaska iyagu dhaxal ahaanta ugu nool guryaha qadiimigaa ee degmada X/weyne, hadane waxaa jira Qoysas badan oo dan yar ah oo  kuwaa oo ku nool degmadaasi, iyaga oo dhaqaale xumi haysata awgeed u door biday inay deganaadaan guryo aad u qadiimi ah oo cabsi joogta ah laga qabo in ay kusoo dumaan.

Aamina Maxamed iyo Nuur Salaad waa Aabe iyo Hooyo dhalay 6 caruur ah, waxay ku nool yihiin daar aad u qadiimi ah oo halis ay ugu jirto inay duntowaxay Goobjoog News u sheegeen in aysan awoodin inay degaan guryo kiro ah oo duruufta baday inay ku noolaadaan meel cabsi badan.

“Anaga halkaan ayaan deganahay  masaakiin ayaan nahay wax mahaysanno  5-sano ayaan dagannahay inaga iyo ilmaheena  hadii aan lacag haysano guri kiro ah ayaan degi lahayn, oo qatartan waan ka bixi lahayn, laakiin waxba ma haysano ilaah ayaan talada saaranaynaa” ayey yiraahdeen aabahan iyo hooyadan.

DSCN6739

Injineer Cismaan Yaraani Mahad waa injeer qibrad u leh dhismooyinka wax badanna daaro kasoo dhisay degmada X/weyne xiligii dowladii dhexe  waxaan wax ka weydiiyey farqiga u dhexeeya dhismooyinkan iyo kuwii hore.

“Farqi ayaa u dhexeeya qaabka loo dhisi jiray guryihii hore iyo guryahan waayo guryihii hore qaab tayo fiican ayaa loo dhisi jiray inkastoo hada la dhiso guryo casriyeysan hadane tayadii hore malahan. X/weyne aniga guryo badan ayaan ka dhisay laakiin hadda guryaha waqtigii loogu tala galay inay dhisnaadaan ayaa dhamaaday taas ayaa keenaysa inay dumaan”

Degmada X/weyne ee Magaalada Muqdisho ayaa hadda u baahan dhismooyin ka duwan kuwa hadda ka dhisan oo aad u duqoobay kuwaa oo sanadkasta marka roobku uu da’o ay waxyeelo kasoo gaarto dadka ku nool guryahaasi.

W/D :- Farxiya Cabdalla Muumin

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW