U bood dhigaalka

Cadaado: Hal Kursi Ayaa Maanta Lagu Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhacday doorashada hal kursi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kursigani waxaa ku tartamayay musharrixiinta kala ah Saabir Nuur Shuuriye iyo Cali Sheekh Doon Cabdi waxaana goobta imaan Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo isna goobta imaan.

Inta aysan billaaban codeynta ayaa waxaa tanaasulay Cali Sheekh Doon waxaana cod loo qaaday Saabir Nuur Shuuriye.

Guddiga doorashada ee magaalada Cadaado ayaa codeynta kadib hoolka kaga dhawaaqay in Saabir Nuur Shuuriye uu ku guuleystay kursigii xildhibaannimo.

Saabir Shuuriye ayaa helay codad dhan 45 cod waxaana la soo sheegayaa in ergada codeyneysayba ay intaas ahayd.

Magaalada Cadaado ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu soo gebagebeeyo doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaana weli dhiman kuraas aan lagu tartamin.

Goobjoog News