U bood dhigaalka

Cadaado: Kuraasta Qaar Oo Lagu Muransan Yahay

Sheeko:War

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in maanta ay dib u dhacday doorashada aqalka hoose.

Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa maanta lagu waday in Cadaado lagu doorto wax ka badan 10 kursi.

Sababaha keenay dib u dhaca doorashada baarlamaanka federaalka ee Cadaado weli kama aynaan hadlin guddiga doorashada ee heer maamul iyo sidoo kale maamulka Galmudugba.

Magaalada Cadaado waxaa laga dareemayaa diyaargarow ballaaran oo ay ku jiraan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee daneynaya inay baarlamaanka cusub ka mid noqdaan.

Waxaa intaas dheer inay jiraan khilaafyo, muranno iyo isqabqabsi ka dhashay kuraasta harsan oo badankood khilaafyo xooggan uu ka jiro.

Kuraasta khilaafaadka uu ka taagan yahay waxaa kamid ah kursiga ay ku tartamayaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadda kamid ahaa baarlamaanka golaha shacabka iyo taliyihii hore ee nabad sugidda Amb. Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa sidoo kale kuraastaasi kamid ah kuwa ay ku tartamayaan Cabdulqaadir Sheekh Cumar oo hadda baarlamaanka ka tirsanaa iyo Saabir Shuuriye iyo kursiga ay ku tartamayaan Caasho Xaaji iyo Abtidoon Yare.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in berri iyo wixii ka dambeeya ay dib u dhacday doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka ee magaalada Cadaado ee xarunta dowladda Galmudug.

Goobjoog News