U bood dhigaalka

Cadaado oo Dooraneysa Gole Deegaan

Sheeko:Amniga

Labo iyo toban xubin oo ka tirsan golaha deegaanka ayaa maanta lagu dooranayaa magaalada Cadaado, oo ka tirsan degmooyinka maamul goboleedka Soomaaliyeed Galmudug.

Golaha deegaanka Cadaado degmada oo ka kooban 23 xubnood ayaa maanta lagu hormayaa doorashada 12, oo midba mar la dooran doono, iyada oo dadweynaha matalada deegaanka ay dooran doonaan mas’uuliyiintii sida tooska ah ugu matali lahaa golaha deegaanka ee degmada.

Wararka aan heleyno Cadaado ayaa intaa ku daraya in hannaankan doorashada oo ay hormuud ka tahay wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug ay dib kasoo saari doonaan doorashada 11 kursi ee harsan.

Marka lasoo gabagabeeyo dhammaan doorashada 23 kursi ee golaha deegaanka ayaa lagu wadaa in ay iska doortaan guddoomiyaha degmada Cadaado, ku xigeenkiisa iyo xoghaye.

Tallaabadan doorashada ee golaha deegaanka Cadaado ayaa noqoneysa mid lagu xoojinayo baahinta nidaamka dowladnimada, dimoqoraadiyadda iyo matalaadda tooska ah, waa degmadii 2-aad oo Galmudug ah oo doorata golaha deegaanka iyada oo October 2020-kii ay Galkacyo dooratay golaheeda deegaanka.

Goobjoog News