U bood dhigaalka

Cadaado oo Golaha Deegaanku Dooranayaan Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa, Yaa Ku Tartamaya?

Sheeko:Amniga

Magaalaada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Barri ah lagu doorto guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, kadib doorashadii golaha deegaanka oo halkaas kusoo idlaatay, waxaana lagu soo doortay 23 xildhibaan, oo iska dhex dooran doona guddoomiyaha degamada iyo ku xigeenkiisa, taas oo ka dhacayso xarunta madaxtooyada degmadaasi.

Dhaarinta xildhibaannada golaha oo maanta dhacday ayaa waxaa sidoo kale ku lifaaqnaa diiwaan gelinta musharraxiinta u taaqan xilga guiddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo gaaraya ilaa iyo afar musharrax, musharraxiinta ayaa lagu wadaa in 8:00 subaxnimo ay bilaabato hadaljeedintooda, halka 10:00 barqanimo ay doorashadu dhicayso sida ku xusan jadwalka.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa ku tartamaya musharraxiinta kala ah, Faarax Diiriye Warsame, iyo Jibriil Cumar Jimcaale, halka ay ku xigeenka ku taryamayaan, Cabdixakiin Maxamed Cali iyo Sayid Cali Daahir Maxamuud, waxaana xildhibaannada iyo musharraxiinta caawa u socda olole ku aadan doorashada barri lagu wado in ay ka dhacdo magaalada.

Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud  ayaa noqotay magaaladii ugu horey ee Galmudug shacabku ay si  rabitaankooda kusoo doortaan dadkii u adeegi lahaa, waxaana maamulku qorsheynayaa in sidaan oo kale laga sameeyo degmooyin Galmug iyadoo dhowaan degmooyin loo aqaansaday magaalooyinka Baxdo iyo Wisil, waxaana lagu wadaa in Baarlamaanka la geeyo.

Goobjoog News