U bood dhigaalka

Cadaado oo Laga Bilaabay Hawlgal Hub Ka Dhigis ah

Sheeko:Dalka

Kadib markii shalay go’aan uu gaaray guddiga amniga ee maamulka Galmudug kaasi oo wax looga badalayo arrimaha amniga ee magaalada ayaa waxaa maanta biloowdey hawlgalo lagu uruurinayo hubka fudfudud ee sharci darada ah.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cadbullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa dadwaynaha ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga “Guddiga amniga Galmudug ayaa shalay gaaray go’aano amniga quseeya, deegaanada Galmudug qaas ahaan magaalada Cadaado, sida aad maanta u jeedaana waxaa bilowday hawlgalkii sifaynta qoryaha sharci darada ah, kuwaas oo shalay aan awaamiir ka bixinay, dadwaynaha waxaan ka codsanaynaa in awaamiirtaas loo dhaga nuglaado, oo qof shacab ah uusan magaalada qori la soo galin, ciidamada Galmudug dhamaantood waan u mahadcelinayaa, hawlgalkiina waa socdaa”.

Go’aankani la fulinayo ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii dhawaan uu weerar ka dhacay gudaha magaalada, halkaasi oo ciidamo ay rasaas isku weeydaarsadeen.

Goobjoog News