U bood dhigaalka

Cadaado: Saraakiil Ka Socotey Xoogga Dalka Iyo AMISOM Oo La Kulmay Madaxda Galmudug

Sheeko:Dalka

Saraakiil ciidan oo isugu jira AMISOM iyo Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug, waxaana ay la kulmeen madaxda maamulkaasi.

Saraakiishaan ciidan waxaa horkacayey Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Cali Baashi Maxamed iyo taliyaha ciidamada AMISOM Jeneraal Cismaan Nuur Subagle, waxaana ay kala hadleen madaxda Galmudug arrimo ku aadan dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, waxaana uu ka warbixiyey muhiimadda waxyaabihii ay saraakiisha kala hadleen.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne ku xigeenka in arrinta ugu weyn ay tahay qaabka ugu haboon ee dagaal loogu qaadi lahaa meelaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin deegaannada Galmudug.

“Waxyaabaha saraakiishaan aan ka wada hadalnay waxaa kamid ah la dagaalanka Cadowga sidii loo dardargelin lahaa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, sidii tabobar loo siin lahaa ciidamada xoogga dalka, waxaana rajeyneynaa in bisha soo aadan ay bilowdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waana arrin aad loogu farxo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Talisyada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa muddooyinkaan wadey qorsheyaal ay ku doonayaan iney ku weeraraan deegaannada ay Al-shabaab wel kaga sugan yihiin gobollada dalka.

Goobjoog News