Cadaalad Darro Laga Sheeganayo Xabsiyada iyo Garsoorka Muqdisho

Cadaaladdu waa  udub dhexaadka dal walba oo jira , waana tan keenta in dadku ay jeclaadaan Dowladnimada .

Dowlad wanaagga la sheego waa in ay leedahay  sifooyinka kala ah , Garsoor Wanaagsan , Daryeel Dowladnimo iyo in kaalin muuqata ay ka qaadato wax kasta oo danta dalka iyo dadka ku jirto .

Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Dowladda Federaalka ayaa dadka ku nool qaarkood waxa ay aragti ahaan qabaan in aysan jirin  nidaam cadaaladeed oo sax ah kaas oo ay dadku helaan marka ay u muraadaan .

Ruqiyo Xaashi  Cabdi oo ka mid ah dadkaasi waxaa wiil ay dhashay uu ku jiray xabsi ku yaalla Magaaladda Muqdisho muddo ku dhow 5, bilood kadib markii lagu eedayay bay tiri xatooyo taas oo ay aaminsan tahay inay tahay mid misabidasho ah .

“ Anigu run ahaantii waan la yaabay , Soomaaliya ka ma jirto nidaam cadaalad ah waayo dadka shacabka ah maba lahan xuquuq asaasi ah oo  sheegaysa inay muwaadiniin yihiin , muwaadinku waa in uu ahaadaa mid xuquuqdiisa heli kara dowladduna ay arintaasi ka shaqaysaa .

“ Dowladnimadu waa taas , anigu wiilkayga yar ee aan dhalay muddo shan bilood ah wax xaq ah ma ahan inuu xabsi ku jiro isagoo waliba aan qaan gaarin , adigaan ku waydiiyaye taasi ma sax baa ? Sidaasi waxaa yiri Ruqiyo Xaashi Cabdi.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha u dooda markasta oo ay ka hadlayaan arrimaha Soomaaliya waxa ay farta ku godaan waxaa kow ka ah garsoorka dalka oo ay ku sheegaan inuu yahay mid sidii loo baahnaa loogu adeegin bulshada ee howsha  lagu wado uun nin tooxsi ama nin jeclaysi .

Axmed Maxamed waxa uu ahaa maxbuus ku jiray xabsiga dhexe ee dalka waxa uu ka sheekaynayaa dhibaatoyinkii uu kala kulmay xabsigaasi intii uu ku jiray iyo dambiga loo haystay in loo xukay uu u dhacay si caddaalad ah .

“  Wax markiiba laga sheekayn karo ma ahan , dhibaatadii aan kala kulmay xabsiga dhexe , waqtigu waxa uu ahaa 2011-kii markii maxkamadda Gobolku  igu ridday xukun 4 sano ah

Waxaan galay xabsigii mana jirin cid tayda ah oo itaal dhaqaale u haysay inay meel kasta ila galaan , taasi marka waxa ay soo dadajisay in aan mudada intaas la eg dhamaysto oo sanadkii tagay 2015-ka ayaan ka soo baxay xabsiga .

“ waad I arkaysaa aniga ma ahayn ruux xun  haddana ma ahi laakiin waxaa la igu sheegay in aan ka mid ahay koox ka soo horjeeda dowladda , u fasiro sidaa doonto laakiin ma kama badin karo intaas” ayuu yiri Axmed Maxamed oo ah dhibanaha .

Mar aan booqday xabsiga dhexe ee dalka islamarkaasna la ii ogolaaday in aan indha indheeyo nolosha halkaasi ayaa waxyaabaha aan arkay waxaa ka mid ahaa tira badnaanta maxaabiista iyo qolalka maxaabiista la geliyo oo aan isku dhigmin taasi oo keentay in tiro boqol ku dhow in la isugu geeyo hal qol oo wayn laakiin aan wada qaadin .

Waa kan taliyaha xabsiga dhexe ee dalka oo ka hadlaya inay helaan maxaabiistaasi xuquuqdii ay la haayeen .

“ Run ahaantii intii karaankeena ah waan ku dadaalnaa si cadaalad ah in aan maxaabiista ugu adeegno waayo waa masuuliyad qaran iyo mid bini’aadanimo oo na saran taasi.

Shaki ma ku jiro in aan howsheena sida cadaaladdu dhigayso u fulino waa kaas ma maqlaysid dhib ka soo yeeray maxaabiista , haddii aad ogtahay waxaan sanad walba la shaqaalaysiiyaa qaar badan oo ka mid ah maxaabiista  kuwaas oo loo eego hadba qofka xirfadda uu garanayo , anagu howsheenu waa midda sidaan u qurxoon laakiin eedaymo la jeediyo kama dhamaato bulshadeena ma qaldamana waa ilaah “.

Taliyaha oo aan su’aalnay suurtagalnimada inay xabsiyada isaga hayaan dad aan wax dambi  ah la hayn ayaa yiri .

“ Ma jirto gebi ahaanba inta aan ka war hayno arrintaasi , qofka halkan la keenayo marka hore ayuuba soo marayaa maxkamad , haddii ay xukunto xukunkaas waxaa uga furan racfaan marka uu ku qanco oo uu ogolaado xukunkaas baa halkan la keenaa ee ma jirto qof la iska keeno oo lagu qaado dambi uusan lahayn”.

Cabdullahi Maxamed Shirwac  oo ah guddoomiyaha hay’ada jilayaasha aan dowliga ahayn ayaa aaminsan in cadaalad darri ay ka jirto dalka laakiin dowladdu ay tahay inay saxdo arrintaasi .

” Dowladnimada la sheego waa qanacsanaanta shacabka , waayo dowladdu waxa ay dowlad u tahay shacabkeeda haddii waxa dhibaya shacabkeedu aysan ka fikirin oo aysan ka hortagin dowladnimo doorkeeda ma aysan buuxin

Dowladda federaalku ma moogana in dhaliilo ay ku leedahay nidaamka cadaaladda iyo garsoorka ee dalka taas oo inta badan ay cabasho ka muujiyaan shacabka , waxaad arkaysaa dad si qaldan looga xukumay dhul ay la haayeen , kuwo si cadaaladi ku jirin loogu eedayay dambiyo ayan galin iyo waxyaabo kale oo badan oo aan la soo koobi Karin marka waxaan leeyahay arrintaasi waa arrin halis ku ah shacabka ee dowladdu wax ha ka qabato “.

Si kastaba dadka wax falanqeeya ayaa rumaysan in taasi looga gudbi karo oo qura marka la helo garsoor cadaaladeed oo aan dhinacna u xaglin kana go’antahay hogaamiyaha hay’adaasi inuu shacabkiisu ugu adeego si daacadnimo ay ku jirto .

W\D : Munasar Mohamed Abdi

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW