U bood dhigaalka

Cadnaan Cilmi Boqore Oo Ku Guuleystay Kursigii Aabihii

Sheeko:Dalka

Doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho, oo aheyd buuxinta kursi ka bannaanaa golaha shacabka ayaa waxaa ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah wiilka uu dhalay xildhibaan horay loo dilay ee Cismaan Boqore.

Cadnaan Boqore ayaa waxaa la tartamay Axmed Cismaan Xaashi, laakin dad badan oo doorashada ku dhowaa waxaa ay sheegeen in ninka dambe uu ahaa magac u yaal.

Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa qofka ugu da’ weynaa baarlamaanka 10aad ayaa lagu dilay waqooyiga Muqdisho 23-kii Febraayo ee sanadkan.

Goobjoog News