U bood dhigaalka

Caga-jugleynta Wariyaha VOA Haruun Macruuf. Sannadihii nacaybka Farmaajo Ee Cambaareynta Iyo Joojinta Isla-xisaabtanka.

Sheeko:Dalka

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay Khamiistii inay u gudbisay dacwad Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka taas oo ujeedkeedu yahay in dacwad lagu soo oogo Wariyaha VOA Harun Maruf waana xeelad kale oo lagu cabsigelinayo laguna cabburinayo Wariyeyaasha iyo cododka loo arko inay qatar ku yihiin Maamulka Madaxweyne Farmaajo.

Hay’adda NISA ayaa lugaha la sii galeysa xaalad kale una sii dhawaaneysa inay siyaasad ahaan ku milanto Maamulka Nabad iyo Nolol iyadoo horraantii bishaan ku tiri hadal ay soo dhigtay Barteeda Twitterka inay baaritaan ku hayso Wariyaha rug caddaaga ah wax ay ku sheegtay inuu “Qatar ku yahay “Amniga qaranka”

Kelitelis-yaasha dunida ayaa u arka wax dhammeystiran “Amniga qaranka” si ay u cabburiyaan hufnaanta, cambaareynta iyo dadaallada lagula xisaabtamayo.

Sheegashada hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ayaa imaaneysa xilli ay dacwad kale ku socoto wariye ka tirsan Goobjoog Media Group oo lagu magacaabo Abdiaziz Ahmed Gurbiye taas oo ah sharcigii cabburinta ku dhisnaa ee gumeystuhu meelmariyey dowladdii ugu horreeysay ee xorriyadda. Saxafiyiin badan oo ku kala sugan dunida dacalladeeda ayaa culeysyo kasoo wajaheen Maamulka Madaxweyne Farmaajo.

 

SAXAFIYIINTA XIRFADLEYAASHA AH.

Maruf waa wariye xirfadle ah kaasoo shaqadiisa lagu kalsoon yahay. Wuxuu shaqsiyan u abuuray muddo sannado ah ilo wareed lagu kalsoon yahay shaqadiisana ka dhigtay mid tixraac ay ka dhigtaan saxaafadda gudaha iyo tan dibadda iyo waliba aqoonyahannada dhanka amniga, qilaafaadyada iyo arrimaha la xiriira ee Bariga iyo Geeska Gobolka Africa. Buuggiisa xogta badan xambaarsan ee Inside Al-shabaab: Taariikhda qarsoon ee AL-Qaeda garabka ugu awoodda badan ayaa caddeyn u ah inuu yahay xirfadle iyo qoraa.

Caddeyn uma baahna shaqada xirfaddu ka muuqato ee Harun oo ay ka mid tahay barnaamijka Galka Baarista kaas oo qodax jirka uga mudan ku noqotay shaqsiyaad badan oo Soomaaliya ku sugan iyadoo si hoose baaritaan loogu sameeyo dhaqankooda maamul  ee arrimaha shacabka. La yaab ma leh inay soo yaaciyeen canaasiir shaqadoodu tahay inay dabagal ku sameeyaan Macruf oo caayaan isaga iyo qof kasta oo maskax fiyow leh.

Ilo ku dhaw wariyaha ayaa u caddeeyey Goobjoog News eedeymaha tuhunka ah laakiin waa isku-dayo lagu cabsi-gelinayo lana doonayo in lagu sumcad-dilo. 

CAMBAAREYNTA IYO DIMUQRAADDIYADDA.

Cambaareynta waa qeyb ka mid ah geeddi-socodka dimuqraaddiyadda, “Safiirka midowga Yurub Nicolas Berlanga ayaa u sheegay Ra’iisul-wasaare Xasan Kheyrre Talaadadii digniin ah inay Soomaaliya wajaheyso saf-mar dhanka helista xorriyad-hadalka ah.

Ururro badan iyo shaqsiyaad jooga gudaha dalka iyo dibaddiisa iyo caalamkaba ayaa farta ku goday dhaqanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Kheyrre oo ay uga falceliyaan waxa ay u arkaan tebin aysan ku qanacsaneyn.

Waraaq loo diray Madaxweyne Farmaajo ayaa The New York City Bar association ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ay joojiso rabshadaha ka dhanka ah saxafiyiinta islamarkaana ay dhawrto xuquuqda muwaaddiniintu u leeyihiin inay si xor ah u hadlaan. “Dowladda Soomaaliya waa inay joojisaa xariggeeda sharci-darrada ah oo ay ku hayso saxafiyiinta, Weerarrada ay ku hayso wariyeyaasha , iyo burburinta xarumaha warbaahinta,” ayey tiri Association.

Isu-tagga ururrada u dooda saxafiyiintu waxay xuseen in badankood xarigga iyo weerarrada ka dhanka ah saxafiyiinta ay dhaceen iyadoo lala xiriirinayo hadallo dowladdu ku sheegtay inay Qatar ku yihiin.

Ma jirto dowlad aan lahayn mucaarad,”Thomas Jefferson Madaxweynihii saddexaad  ee dalka Mareykanka ayaa yiri”Haddii ujeeddooyinku yihiin kuwo wanaagsan ma aha in laga cabsado cambaareynta” Nacaybka Nabad iyo Nolol ee cambaareynta wuxuu ka dhan yahay isbeddelkii iyo muuqaalkii taariikhiga ahaa tan iyo bishii Febraayo 2017. Waxay u muuqataa in dowladda oo ku timid aamminaadda shacabka Soomaaliyeed ay maanta la dagaaleyso cambaareyn iyadoo u mareysa laamaha ammaanka, qoraneysa ciidan ka hawlgala Baraha Bulshada oo dadka caaya islamarkaana baaritaan ku sameeya xogaha laga baahiyo dowladda.

TAARIIKHDA WEERARRADA LAGU HAYO XORRIYAD HADALKA IYO ISLA-XISAABTANKA.

Sannadkii koowaad: Weerarkii lagu qaaday hay’adihii kormeerka qaranka.

Wax u muuqday waqtiyo mugdi ah oo kusoo fool lahaa dimuqraaddiyadda Soomaaliya, Maamulka Nabad iyo Nolol waxay weerar ku qaadeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya 2017 iyagoo adeegsanaya awood iyo lacag si meesha looga saaro kaalinta indha-indheynta Baarlamanka ee laanta fulinta iyo dhammaan waaxyaha kale ee qaranka. Tani waxay keentay in si qasab ah xilka looga qaado Guddoomiyihii hore ee aqalka hoose Maxamed Cismaan Jawaari iyo in golaha wasiirrada laga dhigo xubno xildhibaanno ah si ay difaac ugu noqdaan dowladda marka ay yimaadaan isku-dayo lagula xisaabtamayo dowladda.

Dhammaadkii 2017, Baarlamanka Federaalka wuxuu ahaa mid gacanta ugu jira laanta fulinta marka laga reebo tiro yar oo xildhibaanno mucaarad ah si ay ula xisaabtamaan dowladda. Badankood xildhibaannada mucaaradka ah iyo siyaasiyiinta aan ku jirin baarlamanka waxaa cabsi-gelin ku hayey laamaha ammaanka. Dowladda waxay weerar u abaabushay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur bishii December 2017 taas oo sababtay geerida afar ka tirsan ilaaladiisa. Weerar kaas la mid ah waxaa lagu qaaday hoyga Senator Cabdi-qeybdiid waana tusaalooyinka  isku-dayada qaldan ee Farmaajo ku doonayo inuu ku aamusiyo qof kasta oo dhaliila dowladda.

Sannadkii labaad iyo saddexaad: Faragelinta, Qalqal-gelinta iyo la wareegista Dowlad Goboleedyada. 

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaarihiisa Kheyrre waxaa daacad ka ah inay yihiin dad doonaya in dalka hal meel laga maamulo aadna u neceb nidaamka Federaaliisimka. Tusaalooyinka arrimahan muujinaya. Isku-daygooda ay ku doonayaan inay awoodda dalka hantaan iyagoo aan haysan cod kale oo badiil u noqon kara, labaduba waxay abuureen oo dejiyeen qorshe lagu qalqal-gelinayo Dowlad Goboleedyada si ay ugu dambeyn isku dhiibaan.

Laga billaabo Galmudug illaa Koofur-Galbeed, Puntland illaa Jubbaland waxaa gaaray dagaalka Dowladda federaalka iyagoo iibsanaya xildhibaanno Dowlad Goboleed, gacanta ku qabtaan doorashooyinka islamarkaana ay geystaan qofkii ay la rabaan iyagoo u maraya Doollar.

Dowlad Goboleedyada diida doollarka waa inay u diyaar-garoobaan awood Millateri sida caddeynta u ah doorashooyinkii ka dhacay Jubbaland iyo Koofur Galbeed oo ay Dowladda Federaalku faragelin ku sameysay.

Maamul ayey ka sameysay Koofur Galbeed iyadoo dowladdu adeegsaneysa ciidamada Ethiopia waxaana ku daatay dhiig. Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay intii lagu guda-jiray doorashooyinka ka dhacay Koofur-Galbeed December 2018. Doollarka iyo tasiilaadka kale ee dowladda ayaa lagu iibsaday Galmudug sannadkan.

Sannadka afaraad: Caga-jugleynta Saxafiyiinta, Xakameynta Xogta iyo Baahinta Wararka Beenta Ah Ee Dowladda.

 

Sannadka 2020 wuxuu astaan u yahay dhammaadka Maamulka Nabad iyo Nolol. Waana sidoo kale sannadka Safiirka Midowga Yurub uu ku tilmaamay “saf-marka xorriyad hadalka”Qorsheynta afkaarta dadweynaha, maareynta qulqulka xogta iyo ciqaabta waa tillaabooyinka kelitelisku ugu guuleysto doorashada.

Xarumo Warbaahineed iyo saxafiyiin Soomaaliyeed ayaa dhawaanahaan cadaadis kala kulmayey dowladda iyagoo adeegsanaya xarig sharci-darro ah, cabsi-gelin iyo eedeymo been abuur ah. Laga billaabo xariggii wariyaha Goobjoog Media Group illaa eedeymaha tuhunka ah ee ka dhanka ah Harun Maruf iyo amarkii Koofur Galbeed ay ku mamnuucday lahjadda Barwaaniga dhammaan waxay muujinayaan sida dowladda ay u dooneyso inay aamusiso saxafiyiinta oo dhan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Kheyrre waxay ahayd inay cashir ama laba cashir ka bartaan Ra’iisul-wasaarihii UK ee kusoo beegmay marxaladda dagaalka Winston Churchill: Cambaareyntu ma aha mid la isku wada raaci karo, laakiin waa muhiim. Waxay fulisaa isla shaqada sida jirku u wada dareemo xanuunka.