U bood dhigaalka

Cagjar: Tigree Haddii Uu Addis Ababa Galo Annagana Waan Geli Doonnaa!

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, oo ka hadlay dagaalka ka socda dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin maamulkiisa in Tigree dalka laga difaaco.

Cagjar oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka DDDS ayaa sheegay in haddii ay TPLF ay Addis ababa gasho ciidamada Soomaalidana ay gali doonaan si ay uga xurooyaan.

“Aroorta Tigree baa Addis Ababa ku socda la yidhaa waxaad ogaataaan Soomaali addisababa ku socdana in aad maqlaysaan oo la gelayo, intay dawlad nagu noqdaan oo xerooyinka qabsadaan oo taangiyo soo qaataan diyaarado soo samaystaan oo iyaga oo dawlada nagu soo noqdana oo jigjiga ku dagaallanno marna in aanay dhacay, markaa haba yaraatee wax laga cabsadaa ma jiraan.” ayuu yiri madaxweyne Cagjar.

Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in soo laabashada Tigrayga ay ku soo noqdaan awoodda dalka ay dhib ku tahay maamulka Soomaalida.

‘annagu waxaannu aaminsannayay Tigree soo laabta in aanu waddo noo ahayn’ ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar.

Xaaladda dalka Itoobiya ayaa sii cakirantay kadib markii ay TPLF ay dagaalka kula soo biireen qowmiyado kale kuwaas oo aan dagaalka sanadka socda horay ugu jirin.

Dagaalka Abiy iyo TPLF ayaa hadda sanad jirsaday kadib markii Abiy uu November sanadkii hore 2020 uu amray in awood militeri xukunka laga tuuro xisbiga TPLF ee ka ariminayay gobalka Tigrayga kaas oo qaaddacay muddo kororsi iyo doorasho ku shubasho uu ku tilmamay uu qabanayay xisbiga Barwaaqo oo uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Mareykanka iyo dowladdaha Yurub ayaa ku guuldareystay in ay kala qaadan xabadda sanadka socota kadib markii labada dhinac ee dagaalka ku jira ay diideen in wax wadahadal ah uula furo midba midka kale.

Goobjoog News