U bood dhigaalka

Caleemo-Saarkii Madaxweynaha Jubbaland oo Lasoo Af Meerey

Sheeko:Dalka

Waxaa soo xirmey xafladdii caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyada oo madaxdii ka qeybgashay oo dhan ay caawo ku hoyaneyso qasriga madaxtooyadda Jubbaland, halkaasi oo la filayo in barito uu ka furmo shir looga hadlayo hiigsiga 2016-ka.

Madaxda ayaa jeediyey khudbado ay ku boggaadinayaan maamulka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Markii ay khudbadaha dhamaadeen ayay madaxda u lugeeyeen madaxtooyada oo aanan sidaasi uga fogeyn meesha lagu qabanayay xafladda.

Waxay ahayd xafladdii madaxdii ugu badneyd oo Soomaaliyeed ay ka qeybgaleen , waxayna tani rajo weyn galisey xaaladda sii hagaagaysa ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dhamaan ayaa ka qeybgalay xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland.

Goobjoog News