U bood dhigaalka

Cali Cabdullahi Cosoble

Sheeko:War

Cali Cabduulahi Cosoble ayaa loo doortay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cosoble ayaa madax ka noqonaya maamulka federaalka ah kan ugu da’da yar, uga dambeeya dowlad goboleedyada Soomaaliya laga dhisayo.

Cali Cosoble, waxaa uu ku dhashay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, dugsi hoose/dhexe ilaa sare waxaa uu ku dhameystay isla magaalada Muqdisho.

Waxbarashadiisa heer Jaamacadeed waxaa uu ku qaatay dalka Mareykanka isagoo ku taqasusay cilmiga beeraha iyo dhaqaalaha, Cosoble waxaa uu  ka bartay Jaamacadda Sam Houston State University.

Shaqooyinka:

Waxaa uu muddo ka shaqeeyay Bangiga hor-u-marinta ee Soomaaliya, ilaa ay ka dhacdo dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Oxfam: burburkii kadib waxaa uu ka shaqo bilaabay hey’adda Oxfam qeybteeda magaalada Baladweyn isagoo markii dambe wakiil uga noqday hey’adda guud ahaan dalka Soomaaliya, xafiisna ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

2004-2012: Cali Cabduulahi Cosoble, waxaa uu siyaasyadda ku soo biiray 2004-tii, waxaa uu Xildhibaan ka noqday dowladihii KMG ahaa 2004-2012.   

January 7, 2005: Xukuumadii Cali Maxamed Geedi ee xilligii dowladda Cabdillahi Yusuf waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada.

October 17, 2016: Waxaa loo doortay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ee bartamaha Soomaaliya.