U bood dhigaalka

Cali C/laahi Cosoble Oo Loo Doortay Madaxweynaha Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa soo gebogebowday doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo ka soconeysay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxaa xilkaan ku tartamayey musharraxiinta kala ah Cali C/laahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare, iyadoo xildhibaannada codeynayey ay ahayd tiradooda 98 mudane.

Cismaan Barre Maxamed oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku dhowaaqay in doorashadii dhacday uu ku guuleystay Cali C/laahi Cosoble oo helay 61 cod, halka Maxamed Cabdi Waare uu helay 36 Cod, waxaana xumaaday Hal cod.

Halka doorashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odowaa, madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Senator-ada cusub ee aqalka sare, xubno ka socda IGAD iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa la filayaa in goor dhow ay billaabato doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle oo ay u tartamayaan musharraxiinta kala ah Cali Xasan Taako, Cali C/laahi Guudlaawe.

Goobjoog News