U bood dhigaalka

Cali Daahir Ciid oo Waxgaradka Cabudwaaq Kala Hadlay Dhameynta Xiisadda Gobolka Galgaduud Ee Dhanka Xadka

Sheeko:Amniga

 Madaxweyne ku xigeenka DGGM,  Cali Daahir Ciid ayaa maanta kulan la qaatay Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq, waxaa kulanka ku wehliyay Ugaaska Ugaas Maxamed Ugaas keyse, waxaa sido kale, qayb ka ahaa Xildhibanada Galmudug ee ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud

Kulanka waxaa looga hadlay sidii xabad joojin rasmi ah uga dhaaqan gali la,heyd deeganka furinta Fooro oo dagaal beeledyo ku soo lab laabteen, waxaa kale kulanka qodabadii looga hadlay ka mid ahaa hormarinta Dagmada Cabudwaaq iyo soo dhisida Golaha deeganka Dagmada cabudwaaq.

Intii uu kulankaasi socday ayaa Ugaaska Ugaas Maxamed Ugaas keyse iyo golaha guurtida ay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ka codsadeen in dagmada Cabudwaaq si dag dag ah loogu dhiso gole deegan oo ay Dagmadu yeelato.

Sidoo kale, Golaha guurtida Dagmada cabudwaaq ayaa madaxweyne ku xigeenka Ka codsaday in la kordhiyo tirada iyo tayada, Ciidamada booliska Dagmada Cabudwaaq.

Ugu danbeyn Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walalaha ah ee ku dagaalamay deeganka Furinta Foore ee gobolka Galgaduud oo dhowr jeer ay ku dagaalameen beelo ka soo kala jeeda Cabudwaaq iyo Cadado.

Goobjoog News