U bood dhigaalka

Cali Gaab “Waan Qabannay Raggii Haweenka Ku Dilay Muqdisho”

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka Booliiska ee qeybta gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre Gaab oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay dilal siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho loogu geystay Haween.

Taliyaha ayaa sheegay inay hayaan dadkii ka dambeeyay dilka Haweeney xalay lagu dilay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii saaka ka dhacay degmada Dharkeenley laguna dilay Haweeney mid kalena lagu dhaawacay uu ka dambeeyay shaqsi doonayey inuu dhaco mooto Bajaajta ay saarnaayeen gabdhahaasi.

“Dhacdooyin ayaa magaalada Muqdisho, xalay niman bistoolad lay ah ayaa gurigeeda ku dilay gabar degmada Hodon ka shaqeysa, saakay nin dhacaya Mooto ayaa qofna dilay qof kalena dhaawacay, dhammaan dadkii falalkaasi geystay waa dad ay ciidanka Booliiska gacanta ku hayaan, ninkii Mootada dhacayey waa la hayaa” ayuuyiri Taliyaha.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in dadaal xooggan ay ku bixiyaan sidii uu sare usii noqon lahaa amniga magaalada Muqdisho.

24 saac gudaheed ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Labo haween ah lana dhaawacay Labo ruux kale.

Goobjoog News