U bood dhigaalka

Cali Guudlaawe: Cid Walbo Tabasho Qabto Waan La Fadhiisanaa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa  ka warbixiyey safarkiisa iyo siisadda ka taagan magaalada ee ka dhalatay safarkiisa gudaha magaalada uu ku taga.

“Aad ayaan ugu qanacsanahay sida diiran aad iigu soo dhoweyseen aniga iyo wafdiga ila socday magaalada, hal qof oo reer Hirshabeelle ah in ay wax naga gaaraan ama ay naga dhaawacmaan marabno, waa inaan isisoo horfariisano aan wadahadalno waa aan daawoobaynaa, tabasho kasta oo jirtana xal waa la helaa haddii Allah idmo”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Sidoo kale isagaa oo sii hadlaayo ayuu yiri “Waxaan rabaa inaan hortiina ka cadeeyo cid kasta oo wax tabanayso inaan la fariisayno, tabashada ay qabto haddii mid deegaan ay tahay, mid qabiil ama mid qoys tahay waan ka qancin doonaa, haddii Rabi raali ka noqdo, aan warano waa aan walaalo noqono, dadkaan dalka ayaa ka dhaxeeyo deegaanka ayaa ka dhaxeeyo, dowladnimaa ka dhaxeyo walaalnimo ayaa ka dhaxayso”.

Dhanka kale Cali Guudlaawe ayaa xusay in madaxtinimada maamulka ay tahay mid meerto ah, marba madaxdii joogtana laga rabo in ay isku wadaan dadka Hirshabeelle.

“Mas’uuliyaddu waa meerto shalay waa la haayey, maanta waa la hayaa barrina waa la heynaa, lakiin wada dhalashada, dhaqanka iyo dowladnimada waa ay jiraysaa, cid kasta maalinta ay joogto ayaa la rabaa in dadka ay isku hayso siwanaagsana ay isugu hayso oo dadku iyaga oo isjecel in la isku haayo ayaa la rabaa, waa guul inaga oo nabad ah haddii aan isku imaanay” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn waxaa uu carabka ku dhuftay in khilaafka ragaadiyey Hirshabeelle uu maamulka waxaana uu yiri ”Sanadkii tagay waxaan isleeyahay wax badan ayaa idiin qabsoomi lahaa, haddii khilaaf  iyo wax kala tabasho jirin, inta dhiman haddii aan Allah la talo saarano towfiiqna noqono, waxaa la rabaa in dadka reer Hirshabeele gudaha ama banaanka ha joogto talo iyo towfiiq midaysan ayaa loo baahan yahay “ ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.