U bood dhigaalka

Cali Guudlaawe oo Amray in Al-shabaab Laga Saaro Deegaannada Maamulka Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo guddoomiyey shirka amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa si weyn loogu gorfeeyay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, xogaha dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab iyo howlgalada socda gobolka Hiiraan oo ay wadaan ciidanka xoogga iyo Macawislayda.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha ciidamada in si degdeg ah looga howlagalo xureynta deegaanada gacanta cadowga ku jira oo dadkeedu ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin kala duwan, isagoo saraakiisha amniga u jeediyay inay ka jawaabaan xasuuqa argagixisadu ka geysteen deegaanka afar irdoodka oo ka tirsan  Gobolka Hiiraan.

Cali GUudlaawe  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkii Al-shabaab ay geysteen gobolka Hiiraan, kaas oo lagu laayay dad shacab ahlaguna  gugubay garaawi siday raashin ku siijeeday Maxaas , waxaana uu ku  baaqay in si wadajir ah looga qeybgalo howgallada Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Hirshabeelle.

Hadalka kasoo baxay madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo Al-shabaab habeen ka hor gobolka ay ku dileen ku dhowaad 20 ruux oo ku sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka, iyagoo sidoo kale gubay gaadiid siday raashin gargaar ah oo ku socday degmada oo loogu talo galay dadka abaartu saamaysay.