Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa qadka telefanka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saakay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa mid mid ula hadlay labada Wariye ee kala ah Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeelow waxa uuna u muujiyay sida uu ula dareemaayo xanuunka dhaawacyada soo gaaray.