U bood dhigaalka

Cali Guudlaawe oo Guddoomiyay Kulankii Koowaad Ee Wasiirrada Hirshabeelle

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta daahfuray shirka banbaxa golaha wasiiradda ee maamulka  Hirshabeelle, kuwaas oo dhowaan uu soo magacaabay madaxweynaha, ku dhowaad laba sano oo laga sugayay inuu soo dhiso xukuumaddisa xusub.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka, Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed Ku Xigeenadiisa, Xubnaha Golaha Xukuumadda, Lataliyaal sar sare iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulan wadareedkaan oo ah kii 1aad ee nuuciisa ah oo xukuumadu qabato waxaa socon doonaa labo Maalmood waxaana looga hadli doonaa barnaamijka xukuumadda, hanaanka abaabulka iyo wadashaqeynta golaha wasiiradda, waxa uuna dib u fiirin doonaa waajibaadka shaqo ee golaha wasiiradda iyo wasaaradaha iyadoo la xaqiijinayo  wadajirka iyo wadashaqeynta.
Goobjoog News